Sam Ongeri: “Qaraxii Ismiidaaminta Ahaa Waxaa ka Dambeeyey Shariif Sheekh Axmed”

Updated About:275 days ago
0

Dowladda Kenya ayaa qaraxii ismiidaaminta ahaa ee uu ka badbaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxay ku eedaysay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Kenya Sam ongeri oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxyadii is miidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Jaziira Magaalada Muqdisho kaas oo lagu doonaayay in lagu qaarijiyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaali Proff. Xasan Sheikh Maxamuud .

Waxaa uu sheegay wasiirku in uu aaminsan yahay in qaraxyadaas aysan ka dambeyn Al-Shabaab ee uu ka dhashay loolan dhanka awooda ah oo Musharixiinta qaar ka dhexeeyay, isagoo si gaar ah ugu leexiyay shanka Madaxweynihii hore ee TFG Shariif Sheikh Axmed .

Sam Ongeri ayaa intaasi ku daray in markii uu socday ololaha doorashada uu Shariif Dowladda Kenya ka codsaday in ay taageerto hase yeeshee ay ka diiday kadibna uu cadaawad u qaaday masuulka uga guulaystay xilka sida uu hadalka u dhigay wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa markii qaraxu dhacaayey waxa uu kulan la lahaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Sikastaba eedaynta kasoo baxday Dowladda Kenya waa mid ay dad badan aad ula yaabeen kuwaasi oo sheegay in haddii arrintaan kusoo baxdo uu ciriiri geli doono mustaqbalka Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (0)

Leave a Commnet