Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay u jiheystay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe si ay ula wareegaan.
Ciidamadaan oo watay gaadiid dagaal oo farabanada oo ay ku jiraan taangiyo iyo kuwa kale ee qafilan sida Taawga AMISOM ayaa saakay ka baxay magaalada Balcad oo Jowhar u jirto 70-km dhanka koonfur.
Magaalada Jowhar oo ay maamulaan AL Shabab ayaa waxaa saakay ka jira cabsi xoog leh oo ay qabaan dadka deegaanka kuwaasi oo ka baqaya in magaalada lagu dagaalamo, Al Shabab ayaa iyaduna dhq dhaqaaq bilaabay.
Dad aan goor dhaw xiriiro la sameynay ayaa inoo sheegay in hada ay ku suganyihiin ciidamada AMISOM deegaanka Qalimow oo 35-km u jiro magaalada Jowhar halkaas oo ay ku hada joogaan dhowr gaadiid oo dagaalka ah halka ciidamo iyo Taangiyo kale ay ugudbeen Jowhar.
Lama oga in ay toos magaalada u gali doonaan iyo in ay dagi doonaan duleedkeeda, sidoo kale waxaanan la hubin in Al Shabab ay dagaalami doonaan iyo in ay bixi doonaan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.