Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaafado kamid ah magaalada Beledweyne uu ku fatahay wabiga Shabeelle.
Illaa saddex xaafadood oo kamid ah xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne ayay saameyn ku yeesheen fatahaadan iyadoo dadweyne faro badan oo xaafadahaa ku noolaa ay dhibaato ka soo gaartay fatahaadahan.
Xaafadaha uu wabiga ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah xaafada Buundo Weyn,Laaska iyo Kutiimba. Waxana dadka ku nool xaafadahaa ay bilaabeen ina ka barakacaan guryahooda.
Dadweynaha ku noolmagaalada Beledweyne oo marki horeba dhibaatoku qabay rasaas iyo qaraxyo ayaa hadda waxa ugu sii darsamay fatahaada uu wabiga Shabelle samaynayo.
Fatahaadahan ayaa ka dhashay kadib markii ay roobabkii deyrta ay ka curteen deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan.
illaa iyo hadda lama soo sheegin wax gargaar ahoo ay dadka ay saameyntaku yeelatay fatahaadaha ka heleen maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne.