Rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Kenya xilli ay kusii jeedeen goobtooda shaqada.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska magaalada Gaarisa Herman Ndiema, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in laba askari la dilay mar ay kusii socdeen Kuleejka Farsamada halkaas oo ay waardiye ka ahaan jireen.
Kooxaha dilka u geystay ayaa marka hore saartay baabuur Taxi ah kadibna inta dileen ay tuureen baabuurka, sidoo kale waxa ay ka qaateen qoryihi ay wateen sida uu sheegay Mr. Ndiema.
“Waxaan ku tuhmeynaa dad ka tirsan Al Shabab in ay ka danbeeyaan weerarka waxaana mari doonaa dariiq kasta si aan u soo qabano iyaga,” ayuu yiri.
Weerarkaasi ayaa dhacay xilli shalay bam gacmeed lagu weeraray kaniisad ku taala magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen caruur kuwo kalana ku dhaawacmeen.
Kenya ayaa waxaa ruxay mowjado weeraro u badnaa bambo gacmeedyo tan iyo marki ay ciidamadeeda u dirtay Soonaaliya bishi October ee sanadki hore si ay u bursadaan Al Shabab.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.