Kulan loogaga hadlayay sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatada fatahaadaha saameeyeen ee magaalada Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey guddigii shalay la dhisey ayaa waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka socday hayadaha samafalka oo isugu jiray kuwo heer caalami ah iyo kuwa wadani ahba.
Kulankan kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay guddoomiyaha guddiga C/laahi Goodax Barre waxana uu sheegay in kulankan la iskula soo qaaday baahida haysata dadka fatahaadaha ku barakacay ee ku sugan duleedka magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha guddigan ayaa waxa uu sheegay in ay suurtogal tahay in cudurada faafa ay ka dilaacaan deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen loona baahan yahay in si degdeg ah loogaga hortago.
C/laahi Goodax Bare waxa uu ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku nool inay dadka walaalahooda ah ee dhibaatada fatahaadaha saameeyen ay wixii ay awoodaan ku taageeraan.
Xaalada dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ayaa maalinba maalinta ka dambaysa ka sii daraysa iyadoo aanay jirin gargaar la taaban karo oo dadkaasi la gaarsiiyey.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa wararka ka imanayaa ay sheegayaaan in Xaalada Dadkii ka bara kacay Fatahaadii uu sameeyay wabiga Shabelle ay Xaaladoodu aad u liidato ilaa hadana aysan wali helin gargaaar ku filan .
Hase yeeshee gargaarka ugu badan ee dadkaasi ay heleen ayaa waxa ay tahay mid ka timid hay’adaha isgaarsiinta iyo xawilaadaha dalka Soomaaliya ka howlgala oo dadaal weyn u sameeyey sidii ay dadkaasi wax ugu qaban lahaayeen.