Madaxweynaha oo daqiiqadaha fooda nagu soo haya Ra’isulwasaare u magacaabaya C/qadir Farax Shirdoon

Updated About:255 days ago
0

Waxaa hada ka socaneyso xarunta madaxtooyada Soomaaliya xaflad uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kusoo magacaabayo Ra’isulwasaare cusub.

Ra’isulwasaarahan cusub ayaa la xaqiijiyey inuu noqon doono nin magaciisa lagu sheegay C/qadir Faarax Shire (Saacid) kaasi oo ah nin ganacsade ah oo degan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Mr. Saacid ayaa waxaa u dhaxda mid ka mid ah haweenka ugu caansan Soomaaliya iyo qaarada Africa, Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi.

Hada waxaa madaxtooyada jooga saxafiyiin, siyaasiyiin, iyo dad aqoonyahana ah oo lagu casuumay xaflada ku dhawaaqista Ra’isulwasaaraha.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Comments (0)

Leave a Commnet