Barcelona 2-2 Real Madrid

Updated About:229 days ago
0

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ahaa labadi xidig ee ciyaarti xalay dhexmartay Barcelona iyo Real Madrid, kadib marki ay kala dhaliyeen afarti gool ee kulankaasi.

Real Madrid ayaa iska diiday in mar kale ay guuldaro ka keento kulanka El Clasico guriga Nou Camp, iyada ayaana xalay lasoo baxday ciyaar ciyaar dhaaftay oo ka naxsatay Barca.

Ronaldo ayaa ku bilaabay shuut la yaab isaga oo goolka ka dhaliyey meel u dhaw shabaqa Barca daqiiqadi 23-aad si uu u sameeyo rikoor cusub oo ah gool dhalinta is xiriirta ee kulanka El Clasicos.

Karim Benzema ayaa alwaaxa shabaqa Barca ku garaacay kubad laba daqiiqo kadib, laakin Messi ayaa kadaba tagay isla markaana dhaliyey goolkiisi koowaad marki uu qalad sameeyey Pepe.

Laacibka reer Argentine ayaa dhaliyey goolkiisi 10-aad ee xilli ciyaareedkan marki uu laad xor ah ka toogtay 25-yard, hase yeeshee Ronaldo ayaa ku taakeeyey baas uu usoo dhigay Mesut Ozil.

Ciyaarta waxay aheyd mid dagan oo maysan jirin dagaal marka loo eego kulamadi dhawaa, waxaana xidigo ka ahaa labada laacib ee ugu fiican caalamka, iyagoo oo soo bandhigay kubado ay u qalmeen.

Ronaldo, oo garabka ka dhaawacmay isaga oo doonayey inuu labaaleey kubad ku dhaliyo ayaa hada dhaliyey goolkiisi lixaad ee xiriir ah oo uu ka dhaliyo kulanka loo yaqaano El Clasico, waxa uu hada dhaliyey 14-gool 11 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Ciyaaraha kale ee horyaalka Spain todobaadkaan kooxaha waxay isu arkeen sidan:

Levante    1 – 0    Valencia
Mallorca    1 – 2    Granada
Athletic Bilbao    1 – 0    Osasuna
Atletico Madrid    2 – 1    Malaga.

Comments (0)

Leave a Commnet