Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, Janaral C/kariin Dhagabadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay isugu xirayaan wadooyinka sadex magaalo oo ahmiyad weyn u leh.
Wadooyinka loo maro magaalooyinka, Baladweyne, Baydhabo iyo Kismaayo oo muhiim u ah isku xirka ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ayuu sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ciidamo u geeyaan halkaasi.
“Kooxahan jid iyo jihadiidka, meel ay jaan iyo cirib dhigaan ma jiri doonto, mudo dhaw meelo badan wadooyinkeeda ayaan isu fureynaa sida Baydhabo, Baladweyne iyo Kismaayo,” ayuu yiri Dhagaban.
Afhayeenka AMISOM ayaa isna sheegay in qabsashada magaalada Wanlaweyn ay ahmiyad u leedahay isku xirka Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, iyo in AMISOM ay halkaasi si nadiif ah u marto.
Xarakada AL Shabab ayaa dagaalo wado galid ah ku sameyn jirtay ciidamadii Itoobiya ee dalka koogay inti u dhaxeysay 2006-2009, waxaana ugu darnaa jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.