Ururka Midawga Africa ayaa ka dalbaday golaha amaanka ee Qaramada Midooaby in dalka Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran si loo qalabeeyo ciidamada dawlada Soomaaliya.
War murtiyadeed laga soo saaray xarunta ururka Midawga Africa ee magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in golaha amaanka la weydiisanayo inay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado si fursad loogu helo in qalab wanaagsan iyo agab ciidan oo dhameystiran ay helaan ciidamada dawlada Soomaaliya oo hadda hawlgalo ka dhan ah Xarakadda Al-Shabab ka wada qaar kamid ah gobolada Soomaaliya.
Ururku waxaa uu sheegay in hadda Soomaaliya ay ka jirto ififaalo nabadeed oo ka dhalatay dadaalka ay sameeyeen ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM haatana loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin muhiim oo dadaalkaasi lagu sii xoojinayo.
War murtiyadeedka Midawga Africa kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ciidamada dawlada Soomaaliya ay u baahan yihiin agab ciidan si ay ugu guulaystaan sugida amaanka.
Ururka Midawga Africa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo fara badan oo boolis iyo military isugu jira kuwaasoo dawlada Soomaaliya ka caawiya dagaalada ay Al-Shabab kula jirto iyo sugida amaanka.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunoqabatayn dhinaca hubka ah oo ay Q.M ku soo rogtay muddo ku dhow labaatan sano.