Arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Sudan oo ka ambabaxday garoonka dayuuradaha ee Muqdisho

Updated About:245 days ago
0

Arday tiradoodu gaareyso illaa afartan arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho kana helay deeq waxbarasho dalka Sudan ayaa ka dhoofaatay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda dalka Sudan.

Ardaydan ayaa waxa ay ahaayeen sida uu sheegay agaasimaha wasaarada waxbarashada Muuse Faarax Xeyd arday ku gudubtay imtixaan laga qaaday arday boqolaal gaareysa oo ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya.

Ardaydan ayaa ah kuwii ugu horeeyey ee sanadkan ka heshay deeq waxbarasho dalka Sudan.

Iyadoo sanad walba ay hore u siin jireen dowlada Sudan deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed.

Ardaydan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka socota dowlada gaar ahaan wasaarada waxbarashada iyo waalidiinta ardaydii heshay deeqda waxbarasho.

Boqolaal arday Soomaaliyeed ah ayaa hore deeq waxbarasho waxa ay uga heshay dalka Turkiga halkaas oo ay wax ka bartaan dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka Turkiga.

 

Comments (0)

Leave a Commnet