Guddoomiyaha ururka dhagoolayaasha Soomaaliyeed Abuukar Sheekh Cabdulle ayaa ku eedeeyey maamulka gobolka Banaadir inay wadaan qorshe ay kaga mamnuucayaan dadka dhagaha la’ inay baabuurta kaxeeyaan.
War saxaafadeed uu soo saaray ururka dhagoolayaasha Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin in maamulka gobolka Banaadir ay soo saaraan sharci mamnuucaya in dadka dhagoolada ah ay ku wadaan gawaraada.
Ururka dhagoolayaasha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay maamulka gobalka banaadir in ay joojiyaan wax uu ururku ugu yeeray curyaaminta iyo liicada ah ku hayaan bulshada aanan lixdooda lixaad dhamayn (people with disability).
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in qofka dhagoola ah uu gaari kaxayn karo, cilmi baaris la sameeyayna in lagu ogaaday in dadka dhagoolada ay ka wanaagsanyihiin dadka wax maqlo xagga gawaari wadida waayo dadka dhagoolada aad bay u feejigan yihiin.
Warsaxaafadeedakan oo ku saxiixnaa guddoomiyaha ururka dhagoolayaasha Soomaaliyeed Abuukar Sheekh Cabdulle Cali oo haatan ayaa lagu sheegay in dadka dhagoolayaasha ah ay si caadi ah gaadiidka u kaxeeyaan dalalka caalamka dadkaana uu ka mid yahay guddoomiyaha oo hadda ku sugan magaalada New York ee dalka Maraykanka waxna ka barta in aysan dowlada Maraykanka u diidin in uu baabuurkiisa ku dhex wato gudaha Maraykanka.
Ugu dambayntii waxaa ururka dhagoolayaasha uu ugu baaqay madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowlada cusub ee Soomaaliya in ay wax ka qabtaan go’aanada maamulka gobolka Banaadir ee ay dadka dhagoolayaasha ah uga mamnuceen wadida gaadiidka.
Dhowaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu xirey wiil dhalinyaro ah oo dhagaha la’ kaas oo kaxeyn jirey mid kamid ah gaadiidka dadka qaada ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho.