Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wafdigan oo ahaa wafdigii shalay kula kulmay magaalada Muqdisho madaxda dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay kulamo kula yeesheen magaalad Kismaayo madax ka socota ciidamada huwanta ee la wareegay dhowaan magaalada Kismaayo.
Guud ahaan ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyey waxayna wafdigan kala hadleen madaxda magaaalada Kismaayo qaabka ugu wanaagsan ee maamul loogu sameyn karo gobolka Jubbada Hoose.
Wafdigan ka socda IGAD ayaa kulamo la qaatay gudoomiyaha Jabhadda Raas Kambooni Sheekh Axmed Madoobe iyo taliyaha ugu sareeya ciidanka Kenya ee halkaas jooga.
Wafdigan ayaa sidoo kale la kulmay gudomaiye ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo Col. Yasiin Nuur Gaas iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas.
IGAD iyo dowlada Soomaaliya oo maanta R/wasaaraheeda la dhaariyey ayaa isku khilaafsan qaabka loo samaynayo maamulka gobolka Jubada Hoose waxaana dowlada ay ku adkeysanaysaa in ay xaq u leedahay in ay maamulka gobolka Jubada Hoose ay magacawdo maadaama dhamaan maamulada kale ee ka jira dalka ee ah gobolada ee laga saaray ururka Alshabaab ay hore u magacawday dowladihii hore ee ku meelgaarka ahaa ee dalka soo maray.