Hay’adda CCD oo kulan wacyigelin ah ku qabatay degmada Marka

Updated About:218 days ago
0

Hay’adda wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ku qabtay dood cilmiyeed looga hadlayay Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Al-Shabaab dagaalada u adeegsadaan, iyadoo dood cilmiyeedka ay ka soo qeyb galeen Dhalinyaro ka kala socday Xaafadaha magaalada Marka, Mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo iyo Ururada dhalinyarada.

Dood cilmiyeedka oo uu furay Gudoomiyaha degmada Marka Axmed Macalin C/raxmaan oo loo yaqaano cukaas, isagoo sheegay in kulamadan oo kale ay muhgiim u tahay dhalinyarada gobolka, maadaama ay ka tashanayaan arrimaha is dhex galka bulshada iyo sidii ay isugu xirnaan lahaayeen.

Gudoomiye Cukaash ayaa sheegay ayaa sheegay in dhalinyarada loo baahan yahay in si wadajir uga hortagaan kuwa cadawga ku ah mustaqbalkooda, kana digtoonaadaan in loo adeegsado ficilo guracan.

“Hay’adda CCD waxaan uga mahad celinayaa sida ay u abaabushay isuguna duba riday madasha ay isugu yimaadeen dhallinyarada degan magaalada Marka iyadoo 50-maalmood laga joogo xilligii Al-Shabaab laga saaray magaalada”ayuu yiri Guddoomiye Cukaash.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in Hey’adda CCD ay tahay Hey’ad ku soo dhiiratay magaalada Marka, si ay u wacyi geliso dhalinyarada la qalday, isagoo tilmaamay in wali aan la xoreyn degmooyinka kale ee Shabellaha Hoose.

“Ka maamul ahaan dhallinyarada Marka waxaan u diyaarineynaa goobihii ay ku madadaali jireen sida garoomada Isboortiga, waxbarashada, iyo waliba inaan horumarkooda kor u qaadno” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Marka oo dhallinyarada degaanka u sameeyay ballanqaadayo kor loogu qaadayo mustaqbalkooda dambe.

Madaxa xiriiriyaha hay’adaha samafalka ee magaalada Marka C/llaahi Faarax Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay kulanka ay isugu yimaadeen dhallinyarada degmada oo tiradoodu gaareyso 200-dhallinyaro ah iyagoo aan colaad ka shaqeyneynin.

Xiriiriyaha ayaa ku booriyay dhallinyarada degmada Marka iyo guud ahaan dhallinyarada degan degmooyinka kale ee gobolka Sh/hoose inay ka shaqeeyaan nabadgelyada, isla markaana wacyi geliyaan dhalinyarada kale la marin habaabiyay.

Abwaan Axmed Cawil Maxamuud oo ka mid ahaa dhallinyaradii kulanka ka qeyb qaadatay ayaa halkaasi ka soo jeediyay tix gabay ah oo si weyn u soo jiitay dareenka dhallinyarada kale, waxaana uu muteystay abaal marin lacageed oo Hay’adda CCD u garatay.

Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan ayaa qeyb ka ah siminaaro lagu wacyi gelinayo bulshada ku nool magaalada Marka oo ay hey’adda CCD ka bilowday magaaladaas, waxaana qaar ka mid ah bulshada magaalada ay ka codsadeen Hey’adda inay sii joogteyso kulamada iyo siminaarada ay u qabaneyso qeybaha bulshada.

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments (0)

Leave a Commnet