R/wasaarihii hore ee xukuumadii Kumeelgaarka ahayd C/weli Maxamed Cali ayaa si rasmi ah xilkii R/wasaaranimada ugu wareejiyey R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon .
Munaasabad lagu qabtay xafiiska R/wasaaraha ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah golihii wasaarada ee xukuumadii Gaas.
C/weli Max’ed Cali, R/wasaarihii hore ee dowladda KMG aheyd oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadiisu soo qabatay waxyaabo badan, isagoo xusay in markii xilka uu qabanayey Alshabaab maamulayeen qeybo badan oo ka mid ah Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran, taasina ay maanta is-badeshay.
R/wasaarihii hore ee Gaas ayaa ku faanay in isaga iyo golihii wasiirrada ee la shaqeynayey ay ahaayeen kuwa is-fahamsan oo wada shaqeyn fiican ka dhaxeysay.
R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa cadeeyey inuu ku faraxsan yahay in si nabad ah uu xilka ugala wareego R/wasaarihii hore Gaas.
R/wasaare Shirdoon ayaa ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaalada adag ee dalka Soomaaliya.
Saacid ayaa ka codsaday xubnaha xukuumadii hore iney la shaqeeyaan xukuumaada cusub ee uu soo dhisi doono.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud oo isaguna ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa xil wareejinta ku tilaamay wax lagu farxo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay inuu R/wasaaraha cusub ee uu mgacabaaya 6-dii bishan October uu soo dhisi doono xukuumada tayo leh oo wax badan qabata.