Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan ay ku dileen nin ka mid ah dadka deegaanka.
Ninka la diley oo la oran jirey Miikaa’iil ayaa la sheegay in lagu diley xaafada Ruusiya oo ka mid ah xaafadaha degmada Marka.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dilkan ka dhacay degmada Marka ay geysteen kooxo hubeysan, isla markaana ay ku raad-joogaan.
Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay degmada ka dhaca, tan iyo markii Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen magaalada Marka bishii la soo dhaafay.
Dilkan ayaa dhacay maalin kadib markii qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Marka ay dhigeen banaanbax ay kaga soo horjeedaan falal amni darro oo ka soo cusboonaaday degmada iyadoo kufsi lagula kacay qaar kamid ah haweenka ku nool magaalada Marka.
Dilalka qorsheysan ayaa noqday kuwo si joogta uga dhaca magaalooyinka ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa shisheeye ku soo badanayay dilalka
Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.
marka mise kismaayo?