Ugu yaraan shan ka mid ah saraakiisha ciidamada booliska magaalada Laascaanood ayaa ku dhaawacantay kadib markii uu qarax ka dhacay bartamaha magaalada Laascaanood.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid ay doonayeen qaar ka tirsan ciidamada amniga inay furfuraan bam dhulka lagu aasay.
Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Laascaanood ayaa xaqjiisey dhaawaca shan ka mid ah ciidamada amniga iyo qof rayid ah.
Maamulka gobolka Sool ayaa ku eedeeyey qaraxan inay ka dambeeyeen xarakada Alshabaab hase yeeshee mar jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab.
Qilaaf dhinaca maamulka ah oo ka jira gobolka Sool ayaa sababay in lagu dhex dilo magaalada Laascaanood saraakiil ka tirsanayd maamulkaas waxaana dhowaan bam lagu weeraray baar xilli habeenimo ah markas oo ay dad badan ku dhaawacmeen.
Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.
Waa sax in ladidan yahay somaliland adeer sool iyo sanaag waxaa is kaleh dad somali ah mana ogala in catir lamareyey rinji lasuro oo lagaturo calan ka somaliyed donimayno