Guddoomiye cusub oo ay yeesheen ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed

Updated About:209 days ago
2

Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

Hadallo laga jeediyay kulanka ayaa lagu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay go’aansadeen inay dib u habeyn ku sameeyaan ururkan, kaddib guddoomiyihii hore ee ururka ay go’aansatay inay xilkaas iska casisho, kaddib dhaawac kasoo gaaray qaraxii bishii Abriil ee sannadkan ka dhacay golaha murtiyada iyo madadaallada Muqdisho.

“Walaasheen Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaan u doorannay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kaddib markii ay dhaawac awgiis xilka isaga dhiibtay guddoomiyihii hore ee ururka,” ayay tiri Canab Xasan Cilmi oo ah ku xigeenka guddoomiyaha iyo sii haya xilka guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Canab waxay sheegtay in shirkan maanta la qabtay uu yahay mid horay looga soo tashaday, sidoo kalena ay ku doonayaan inay dib boorka uga jafaan ururka oo la dhisay markii ugu horreysay sannadkii 1977-kii.

Khadiijo Cosoble Cali oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay aad u soo dhaweynayaan in Batuulo loo doorto guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ururkaan uu yahay mid la shaqeyn doona guud ahaan ururrada haweenka ee dalka ka jira.

“Ururkan wuxuu ka shaqeynayaa danaha haweenka Soomaaliyeed oo dhan, wuxuu si dhow ula shaqeynayaa ururrada haweenka ee aan dowliga ahayn,” ayay tiri Khaliijo Cosoble oo intaas ku dartay in ururkan uusan ahayn mid dad gaar ah u xiran ee ay qayb ka yihiin haween-weynaha
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Marwo Khadiijo waxay sheegtay in sharciyada ururka gadaal laga dajin doono, balse hadda la isku raacay in guddoomiyaha ururka uu laba jeer isi sharraxi karo, iyadoo aan la sheegin xilliyada uu xilka hayn karo.

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa fanaannada caanka ee Soomaaliyeed, Seynab Xaaji Cali (Baxsan) iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in haween-weynaha Soomaaliyeed ay yeeshaan urur danahooda ka shaqeeya iyadoo dalbatay in howshan aan laga caajisin, haweenkana la gaarsiiiyo illaa heerka ugu sarreeya dalka.

Haween kale ee kulanka ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Faadumo Isaaq Biixi iyo Dahabo Sheekh Maxamuud oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay guddoomiyaha ururka iyo xubnaha kale ee la shaqeyn doona inay si wadajir ah ugu istaagaan daryeelka haweenka Soomaaliyeed oo dhibaatada ugu xooggan ay ku dhacday intii ay
dagaallada sokeeye socdeen.

Kulanka ayaa waxaa soo xirtay guddoomiyaha la doortay, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyadoo sheegtay inay codsanayso in mas’uuliyadda xoogga badan ee dusha laga saaray lala qaado, waxayna ballan ku qaaday inay har iyo habeen u istaagi doonto wax u qabashada haweenka Soomaaliyeed mee walba oo ay joogaan.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso ka tarjumaya qiimaha ay hooyadu leedahay, iyadoo inta badan haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayeen guddoomiyaha la doortay Batuulo Gaballe.


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


Comments (2)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. bosasogirl says:

    asc waxay ila tahay somsli inay u dhan tahay oo ka maqan yihiin kaliya somali diid ama somaliland

  2. Runle says:

    Waxaa ila haboon in la yiraahdo ” Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir” maxaa yeeley haddii la yiraahdo Ururka Haweenka Somaliyed waa sharci darro mar haddii ay doorashadu la waafajinin qaynuunka iyo sharciga kana soo qeyb galin haweenka Somaliyed oo dhan min gobol ilaa tuulo.

Leave a Commnet