Aas Qaran oo Maanta Muqdisho Loogu Sameeyay Maxamed Cumar Xabeeb “M. Dheere” (Daawo Sawirada)

Updated About:2 years ago
0

Allaha unaxariistee Waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Sheekh Cali  Suuufi ee magaalada Muqdisho gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” kaasoo shalay geeriyooday.

Aaska Maxamed Dheere ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada, Maamulka gobolka Banaadir, qaarTaliyaasha ciidamada, Gduoomiyaha Shabeelada hoose, Imaamyada,Ugaasyada,Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanda,iyo Nabadoonada waxayna dhamaantood Alle uga baryeen Maxamed Dheere inuu naxariisto.

Meydka Marxuumka ayaa salaada Janaazada waxaa lagula tukaa Masjidka weyn ee Isbaheysiga, waxaana kadib loo qaaday Meydka Maxamed Dheere Qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee degmada Warta Nabada Ex-Wardhiigley.

Aaska qaran ee maanta loo sameeyay Marxuumka ayaa waxaa ugu horeyn  ka tacsiiyay isagoo ku hadlaya afka Xukumada Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka Mudane C/kariin, waxaana uu ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay Alle uga baryay in samir iyo Aamin uu ka siiyo.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana uu ka tacsiiyay geerida ku timid ruugacadaaga siyaasiga ahaa ee Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheer.

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Tarsan in Maxamed Dheere uu ahaa nin wax badan u qabtay shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu Alle uga baryay in Janatul-fardowso uu geliyo.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Imaam Maxamed Imaamka beesha Mudulood, waxaana uu Cadeeyay in Maxamed Dheere uu ahaa halgamaa weyn isla markaana wax u taray shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa siyaasada waxaa uu ku soo joray mudo dheer, waxaana uu gudomiye   ka soo kala noqday Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Banaadir, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa nin howlkar ah oo wax badan u qabtay Bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa lagu xasuustaa intii uu maamulay gobolka Banaadir howshii uu ka qabtay  gobolka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet