Cilmiga siyaasaddu waa cilmi wayn waana cilmiga adduunka aan joogno kalawada. waxuuna leeyahay qawaacid rasmi ah oo cilmigaas lagu darso laakiin somalidu waxay uhaystaan in siyaasaddu aysan cilmi ahayn oo aytahay wax camali ah oo qofkasta iskagalo.’
Waxaan rabaah inaan wax yar sharaxaad kabixiyo mid kamid ah qawaacida fud fudud ee cilmigaas oo aan is iri waa muhiim in dadkeenu wax ka ogaadaan qaacidadas waxay leedahay
maxaa waajib u ah hogaamiyaha dawladda inuu tixgaliyo haddii kale sababaya in dawladiisu burburto
Qaacidadas sharaxadeedu waxaa ay leeyahay ninka hogaamiyaha ah waxaa waajib ku ah marka uu go aan qaadanayo inuu tixgaliyo afar arimood haddii uusan tixgalin go.aankiisu waxuu sababi karaa in dawladdiisu burburto dawladdisu ninka hogaamiyaha ah marka uu xilka uuqabto waxa ay kadhigantahay in uu hortiisa yaalo miis afar lugood leh marka waxaa waajib ku ah in uu miiskaas wax iskumiisaaman saaro haddii kale miisku waa dhacayaan waxayna kadhigantahay dawladdii oo dhacday. hadduu miiska saaro afarta waxyaalod waaa guul dhamaystiran laakiin waxaa waajib ku ah in u marka ay uguyarato sadex waxyaalood usaaranyihiin markaas waxbaa kamaqan laakiin waaa liicsamayaah miisku ee dhicimayo laakiin wa waajib inuu si degdeg ah udhaystiro waayo miisku waxbadan sadex lugood kumataagnaankaro.somalida madaxdeeda marka aan qaacidadaas ku tadbiiqino waxaa noosoobaxaya in ay kudhacaan labo khalad
1 in ay miiska saaraan wax katanbadan oo uusan qaadikarin
2 iyo in ay miiska aysan saarin afartii wax yaaloo oo tusaale ahaan labo ama mid kaliya saaraan taasna waxay sababaysaah burbur haddii aan sii caddeeyo sharaaxad qaacidada tusaale.dawladda Somalia ayaa waxay gudoonsatay inay kuduusho dawladaha dariska la.ah middood go.aankaas si loo fuliyo. Hogaaamiyaha somaliya waa inuu tixgaliyo afar arimood waxayna kalayihiin.
Afarta arimood ee ay waajibka tahay in miiska uusaaro hogaamiyuhu waxa ay kalayihiin
1: maxaan kawoodaah qodabkaan waxaa soo hoosgalayah waa in uu ogyahay hogaamiyuhu waxa uu awodikaro maxaa cilmi ah oo aan aqaanaan si aan ahdaaftayda ufuliyo maxanan awoodikarin maxa dhib ah oo iga hor imaan karah maxaa jaanis haystaah yaa cadaw ii ah suaalahas iyo kuwa kale oobadan marka uukajawaabo hogaamiyihu miiskuu gees ayuu wax kasaaray
2: shacabkaygu maxay awoodan waxa lagayaabaah in uu hogaamiyuhu waxbadan jecelyahay laakiin jacaylkiisa waxaa xadidaya waxa ay dadkiisu awoodaan marka hadduu keeno meesha wax aan shacabkiisu awoodin waxa ay kadhigantahay miiskii wax kaculaysbadan ayaa lasaaray wuuna jabayaah tusale ahaan dalkeena aan kasooqaado
Maxkamadahii islaamiga markay soobaxeed qodobkan ayay kufashilmeen waana tan miiska jabisay waayo shacabka somaliyeed ee 20sano burburka kujiray ma awoodikarin in uu itoobiyah dagaal lagalo marka waa mihiim maxaa shacabgaygu awoodaah marka waa in hogaamiyayasheeni arinkan ogadaan si aysan ufashilmi. Marka uu su.aashan kajawaabo hogaamiyuhu labo waxyaalood ayuu miiskii saaray
3; dawladdaha gobolka waa qodob mihiim ah wax uu iskawaydiinayaah su.aalahan
Dawladaha darisku maxay igarabaan awoodoodu intee le.egtahay haddan dagaal lagalo maxaa wajaabtu noqonaysaah. hadday iga awood badanyihiin waa maxay wadooyinka kale ee ii furan si aan ukalabadbadno ayaga oo dhan ma iicadawbaa mase waa qaar kamid ah hogaamiyuhu waa inuu su.aalahaas oo dhan kajawaabo tusaalaha qodabkan waa kii hore oo kale maxkamaduhu su.aalahan isma aysan waydiin taas ayaana keentay khaladka ay kudhaceen oo ah in ay miiskii wax kaculus saareen marka hogaamiyayasheenuna waa inay qodabkan kubaraarugaan waliba anaga somalida ah wa kufashilanay qodobkan in badan kan udanbeeyah waa
4: adduunka oo dhan higaamiyuhu wa in uu adduunka kufiiriyo oo kiyaale fiican oo sifiican uu wax ugu arko waa inuu su.alahan is waydiiyo aduunka maxaa kajirah dhankee adduunku usocdaah awood ahaan adduunka halkee kagajirtaah adduunka yaa hogamiyah quwadaha waawayn ee adduunka adigu dhankee kagalaysaah xulufaysiga adduunka dhankee kubiiraysaah. Hogaamiyuhu waa waajib in uu su.aalahas kajawaabo.
Hogaamiyihii kufashilmah 4taas arimood inuu kajawaabo adduunka manta aan joogno waxba kuma dhex maamulikaro
Cilmi weeye waxa aan meeshan kuqoray waa waajib in ay dadkeenu kubaraarugaan
Anigu markii aan joogay oo aanan cilmigaan waxbadan ka aqoon fikrad kale ayaan qabay waliba waxaan kamid ahaa dhalinyaraddii xiligii maxkamadah aadka ulatacadufay laakiin cilmigaan hadday aqoon lahayeen oo ay tixgalin lahayen guulo badan ayay xaqiijin.kahayen
Walalayaal adduunkan mantay aan joogno qawaacid ayaa kashaqaysah ninkii latacaamuliwaayah waa kufashilmayaah naxariisna cidna ugalimayso
Walalayaal ilahay dadkeena dhibta hakadulqaado hogaamiyayaalo wax fahansana hasiiyo aamiin
Br c/raxman xaashi jabiin
Arday jamacatul quraan alkariim
Sanadkuu udanbeyay
Khartum sudan
Tel 249927278076
Ciwaan jabiin_25@hotmail.com
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.