Deg-deg:Soomaaliya 0 Burundi 2

Updated About:2 years ago
0

Ciyaar aad u xiiso badan ayaa galabta waxay dhexmareeysaa xulalka kubadda cagta Soomaaliya iyo xulka Burundi, ciyaartan ayaa ka mid ah tartanka bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaarta oo ku bilaabatay weerar iyo weerar celis islamarkaasna xulkeena Soomaaliya ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleeystay, ayaa nasiib daro waxaa laba gool oo is xig xigtay dhaliyay ciyaartoyda xulka Burundi.

Xulka Burundi waxa uu kamid yahay xulalka ugu adag Bariga iyo bartamaha Afrika islamarkaasna loo saadaalinaayo ineey qaadaan Koobkan.

Goolasha xulka Burundi ayaa waxaa u saxiixay Christopher Nduwaragira(34) iyo Yusuf Ndikumana(41)

Aqristayaasheena sharafta leh waxaan idiin soo gudbin doonaa hadba natiijada iyo waxa ciyaarta kusoo kordha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet