Realmadrid oo xalay guuldardii Sadexaad lasoo gaarsiiyay {Sawiro}

Updated About:1 year ago
0

Real Madrid ayaa guuldarro xannun badan ay ka soo gaartay Real Betis oo ay marti u ahaayeen, ka dib markii looga badiyay gool iyo waxba.

Kooxda Real Betis ayaa ciyaarta ku soo bilaabatay si fagfag badan, waxaana ay daqiiqadii 17aad ay qabteen hogaanka ciyaarta, iyadoo kubad uu meel 23 mitir u jirta goolka uu ka soo toogtay Benat.

Karim Benzema ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay qeybtii hore iyo qeybtii labaad laakiin labada waxaa lagu diiday inay ahaayeen Offside, inkastoo ugu yaraan mid ka mid ah uu muran ku jiray.

Inkastoo Real Madrid ay cadaadis saartay Real Betis hadana waa ay awoodi waayeen inay helaan goolka barbaraha.

Guuldardan ayaa ka dhigeysa in Real Madrid ay baaqi ku sii ahaato kaalinta seddexaad iyagoo 8 dhibcood ka danbeeya kooxda ay xafiiltaaman ee Barcelona, inkastoo Barcelona ay la ciyaari doonta Levante islamarkaana laga yaabo inay dhibcaha ay ka sareyso Madrid ka dhigato 11 dhibcood.

Waa guuldaradii seddexaad oo Real Madrid ka soo gaarta La Liga iyadoo marti ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet