Goolhaye Axmed: Rag ka Rooni ayaan Muujinay{Dhagayso}

Updated About:1 year ago
0

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaar aad u xiiso badan wuxuu la ciyaaray xulka qaranka wadanka Burundi ciyaar xiiso badan oo ka tirsaneed ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaartaan ayaa waxay ku bilaabatay dar dar cajiib leh waxaana ciyaartaydo labada wadan ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo ay jecleesteen dhamaanba taageerayaashii ka soo qaybgalay.

Waxay ku soo dhamaatay ciyaarta waqtigii loogu talagay 5-1 oo ay guushu ku raacday ciyaartoyda Burundi, waxaana laga adkaaday xulka qaranka ciyaartoyda Soomaaliya.

Qaybtii hore ee ciyaarta Soomaaliya ayaa waxay ku soo idlaatay 2-0 oo lagu hogaaminayay xulka Soomaaliya, hase ahaatee markii leesku soo laabtay ayaa ciyaartoyda Soomaaliya waxay heleen gool kaasi oo ahaa Rigooro ama gool ku laad.

Ciyaartoyda Soomaalida oo iska jilicsanaa ayaa waxay waxaa loogu sii daray sadax gool waxaana ciyaartaan ugu danbayntii ay ku soo idlaatay 5-1 oo loogu awood sheegtay Soomaaliya.

Waxaa jira kulamo kale oo u dhiman xulka qaranka Soomaaliya kuwaasi oo la sugayo natiijada ka soo bixi doonta, waxaana rajo wanaagsan laga qabaa in ay Soomaaliya guul ka gaarto wadamadaasi.

Goolhayaha xulka qaranka Soomaaliya Axmed wuxuu sheegay in inkastoo laga badiyay haddana ay soo bandhigeen ciyaar fiican oo ku dhisnayd waddaninimo iyo rag ka rooni, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay ciyaaraha kale ee ay la ciyaari doonaan Sudan iyo Tanzania.

Goolhayaha ayaa Soomaalida ugu baaqay inaan laga niyad jajib maadaama ay kubbada cagtu tahay “cad iyo madow”

Halkaan ka dhagayso Wareysi ay VOA-da la yeelatay Goolhayaha xulka qaranka Soomaalia:Goolhaye Axmed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet