Inter oo iska diiday hadiyadii AC Milan kadib markii ay Parma tuntay

| Tuesday, Nov 27, 2012 |

Gool cajiib ah oo uu dhaliyay Nicola Sansone ayaa siiyay kooxda Parma guul lama filaan ah oo ay 1-0 kaga badiyeen Inter Milan oo marti u aheyd, iyadoo Internazionale ay u dhacday kaalinta afaraad ee Serie A inkastoo ay isku dhibco yihiin kooxda kaalinta seddexaad ee Fiorentina.

Iyadoo ciyaarta ay ka hartay 15 daqiiqo, gooldhaliyaha xulka Italy ee da’dooda ka hooseysa 21 jirada Sansone ayaa kubada ka soo qaatay kala bar garoonka, isagoo kubad joog hoose dabamariyay goolhaye Samir Handanovic oo xilligaas ka hor shaqo fiican u hayay kooxda Nerazzurri.

Parma ayaa u qalantay guusha ay gaartay marka laga hadlay sida ay ciyaartooda isagu dheelitirneyd, goolhaye Antonio Mirante ayaa kubado fiican ka badbaadiayy Inter, laakiin goolhaye Handovic ayaa ahaa goolhayaha mashquulsanaa labada goolhaye.

Iyadoo Napoli ay 1-0 ku soo dubatay Cagliari, Inter ayaa u dhacday kaalinta afaraad, waxaana ay labo dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta labaad ee Napoli, halka ay afar dhibcood weli ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Juventus, iyadoo Inter ay ka faa’ideysan weysay guuldaradii dhawaan soo gaartay Juventus.

Inter ayaa leh 28 dhibcood, waxaana ay dhibcahaas la wadaagtaa kooxda kaalinta seddexaad Fiorentina oo ka farqiga goolasha ka fiican Nerazzurri.

 

Waxaa Aqriyay (0)

Hoyga Wararka Midnimo.com
Email : webmaster@midnimo.com - midnimo12@gmail.com

Leave a Reply


error: Content is protected !!