Gudomiyihi hore ee Barlamanka Somalia Shariif Xasan Sh Adan ayaa waxaa uu mudoyinka danbe laba jibaray dadaal uu ku doonayo in Gobolada Konfureed ee Somalia samaystaan hal Maamul Goboleed.
Shariif Xasan oo qorshaaan in mudo ah soo waday ayaa waxaa uu caqabaado badan kala kulmay Sh.Adaan Madoobe oo asagana mar horay u soo noqday Gudomiyaha Baralamanka Somalia islamarkana donayay in uu Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State Madaxweyne u ka noqdo.
Warar laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa waxaa tibaxayaan in ugu danbeyn labadaas masuul ay is afgarteen islamarkana ay xaliyeen khilaafki hortagna dhisida Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State.
Shariif Xasan Sh Adan oo ah hada Musharaxa rasmiga ah ee Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboledka Konfur Galbeed State ayaa waxaa uu wada dagaal siyaasadeed uu ku bur burinayo maamulka Jubbaland State waxuuna arinkaasi la kaashanaya qaar ka mid ah Masuuliyinta beelaha daga Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba Qurbajoogta ka soo jeeda deeganadaasi.
Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State ayaa waxaa la shegay in uu ka kooban yahay 6 gobol oo kala ah Bay, Bakool, Sh.dhexe Jubbada hoose , Jubbad dhexe iyo Gedo ayadoo dadka Goboladaasi dagana aysan la dhacsanayn Qorsha Maamul usameynta 6 da Gobol ee uu wado Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaa waxaa dhawaan lagu wada in uu boqasho ku taago Magaloyinka Baydhabo ,Marka, iyo Luuq halkaas oo uu ku qaban doono shirar lagu dhiri galinaayo dhismaha Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Somalia waxa sido kale uu sakiintisi caanka ahayd u isticmaali doona dadka dagan Goboladaasi si ay u garab istagaan Howlaha u wado .
Ma cada sida u ku hergali karo Maamulkaan ka kooban 6da gobol xili dadka daga Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ay ku heshiyeen in ay Maamul sameystan isla markana ay guda galeen oo ay Dasturkiba qorteen Shirweynihi lagu soodooran laha Madaxweynahana dhawan la filaayo in uu ka furmo kismaayo.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.
Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.
Waxaan la yabanahay. Sharifka. Hadii uu hali waayay.gudomiyaha barlamanka . Hadana ma gobol ayuu u xubsibtay. Yaxaaska hadii uu afka kula waayo dabada ayuu kula helayaa. War iska daa. Mamulkii asaaniya away intuu maray . Kaaga waa saas. Reer gado ninkas iska firiya.
TANI MICNAHEEDU WAA ” ANIGA WELI WAA JOOGAA, MANA KA BAXAAYO SIYAASADDA GURRACAN EE SOMALIA OO AAN KU LACAGEESTE ILAA AAN KA DHIMANAAYO”.
XARIIF XASSAN IYO KUWA UU KU SHAQEESTO WELIGOOD MA AWOODI DOONAAN INEY DHISAAN MAAMUL IYO DAWLAD NIDAAM LEH MARKA LAGA REEBO WAX IS-DABA MARIN, XATOOYO, IYO DULMI KAL KAALIN.