Sirdoonka Al-shabaab oo kireeystay Hoteelada Muqdisho ugu qaalisan {XOG}‏

Updated About:1 year ago
1

Sirdoonka ururka Al-shabaab ayaa ah sirdoon ka hormarsan kana shaqo iyo xeelad badan kan AMISOM iyo doowlda Soomaaliya, AL-Shabaab waxay adeegsadaan xeelado cajiib ah islamarkaasna aad loola yaabo, waxaa ushaqeeya ama xogta iyo sirtaba ugudbiya dad aan laga filaneen marnaba ineey kamid yihiin.

Waxaa aad u adag in la ogaado qaabka iyo sida ay ushaqeeyaan sirdoonka Al-shabaab maxaa yeelay ugu yaraan guri walba ama xaafad kasta waxaa u jooga dad qarsoon oo daaha gadaashiisa kasoo gudbiya xogta iyo sirta.

Ilo lagu kalsoonaan karo islamarkaasna kamid ah shaqaalaha mid kamid ah hoteelada Muqdisho ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in dadka ugu badan ee ijaarta hoteelada Muqdisho ay yihiin dhalinyari isugu jirta wiilal iyo gabdho labo labo iskula socda kana tirsan sirdoonka Al-shabaab.

Hadaba si aan arintaas ugu kuur galno loona soo xaqiijiyo ayaa mid kamid ah wariyayaasha Midnimo.com waxa uu shalay booqasho ku tagay laba kamid ah hoteelada Muqdisho kuwaasoo kala Kuwait Hotel iyo Barwaaqo, labadaan Hotel ayaa kamid ah hoteelada ku cusub magaalada uguna qaalisan, waxayna ku yaaliin jidka Maka Al-mukarama qaybta Waaberi.

Hoteeladaan intabadan waxaa kireeysta dadka ka’imaada qurbaha iyo siyaasiyiin katirsan Doowlada, Aamaan ahaana waa kuwo iskacaadi ah oo waxaa jooga dhowr waardiye kuwaasoo dadka baara dabadeedna u ogolaada ineey gudaha galaan.

Hadaba intii aan ku sugnaa mid kamid ah labadaan Hotel ayaa waxay indhahayga qabteen dhalinyaro badan oo hoteelka kusugan islamarkaasna iskula socda wiilal iyo Gabdho, dhalinyaradaan ayaa ah kuwo ulabisan sida dad kayimid qurbaha oo waxay wataan dhar aad u gaagaaban kuna dhagan jirkooda sidokale habdhaqankooda waa sida dad ku cusub magaalada lakin mid kamid ah shaqaalaha Hoteelka oo aan rabin inaan magaciisa xusno ayaa noo xaqiijiyay in dhalinyaradaan ay habeenba seexdaan Hotel, ujeedkooduna uu yahay ineey warar iyo sir u gudbiyaan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa markii ay ku jabtay dagaalka Fool-kafoolka ah waxay u weecatay dagaalka ku dhisan kudhufo oo kadhaqaaq iyo iney miinooyin wadada galiyaan iyo qof isa soo miidamiyay.

Qaabkaan cusub ay hada Al-shabaab u howlgalisay sirdoonkeeda ayaa ah mid Qatar ah islamarkaasna aysan fahmi Karin sirdoonka doowlada oo iyaga tayo ahaan iyo dhaqaalo ahaabna ka hooseeya kan Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. ahmed says:

    war allihina kabaqa oo iska xaqiijiya halka aad wax kasoo xiganaysiiin iskana ilaliya inay sumcadino lunto

Leave a Commnet