Dilaa Koofur Afrikan Ah Oo Wareeysi Lala Yeeshay “Waxaan u Layay Soomaalida? Warbixin Qaraacan leh.

Updated About:2 years ago
0

Wargeys lagu magacaabo Daily Dispatch oo kasoo baxa magaalada East London ee gobolka Eastern Cape ayaa mar sii horeysay qorey warbixin dheer oo uu ka sameeyey baaritaan mudo dheer qaatay oo uu ka sameeyey dilalka Soomaalida loo geysto, Wariye Omar Kiyow  ayaa qoraalkani kasoo turjuntey luuqada English-ka oo lagu soo qorey warbixinta wargeys-ka kusoo baxday, waxaan u qorney sidii ay ahayd oo kaliya, ka bogasho wacan.

Andile Tunzana waa gacan ku dhiiglaha gacantiisa ay qabto dhiiga 4 Soomaali ah, wuxuu fadhiyaa xabsiga Mdantsane Prison isagoo halkaasi ku qaadanaya labbo xukun oo xabsi daa’in ah, ugu dambeyntii waxa uu ka hadlay sababta uu Soomaalida u laayay “waxaan ogeyn in ay lacag baddan ku heystaan dukaamada dhexdooda, aysana heysan hub ay isku difaacaan” ayuu yiri Tunzana, 26 jir ah, kaasoo waqti adag ku qaadanaya xabsiga dilkii uu u geystey Soomaalida nawaaxiga East London dartii..

“waan tooganay kuwii isku dayay in ay isdifaacaan, kadibna lacagta ayaan raadsanay,qofna ma daryeelo tuuladani maadaamaa ay shisheeye yihiin”.
Sheekada Tunzana waxay xaqiijineysaa sida siyaasada dowlada Koonfur Afrika ay Soomaalida oga dhigeyso kuwa u nugul dhibaateynta, dalkani oo ah kii ay rajaynayeen in ay ku nabad galaan. Kadib xukunkii maxkamada sare ee East London 2006 dii ee xabsi daa’inka ahaa , Tunzana wuxuu qaatay diinta Islaamka, magaciisana wuxuu u rogey Ismaaciil Junayd.

Waa diintisa oo uu islaam u badalay sababta keentey in uu ogolaado waraysiga Daily Dispatch la yeelatay xabsiga dhexdiisa, waxaan la samaynay waraysiyo saacado qaatay. Waraysigaasi oo ka mid ahaa baaritaankeena muddo 4 bilood ah oo aan ku samaynay dilalka Soomaalida bulshooyinkeena dhexdooda, waxaan la noolaaney Soomaalida muddo si aan u fahano heerka naceybka lala bartilmaameedsaday, waxaan la hadalnay marqaatiyaal, kuwii ka badbaaday dilka iyo qabiiro madax banaan, waxaan goobjoog ka ahayn markii saraakiisha Home Affair-ka (wasaaradaha arrimaha gudaha) ee musuqmaasuqa ah iyagoo laaluush ka qaadanaya qaxootiga rajobeelka ah ee doonaya in loo cusbooneysiiyo aqoonsiyadooda.

Sawirka soo baxaya waa mid cad: Soomaalida waxay dhibanayaal u yihiin siyaasada dowlada ee siisey nidaam sharciyeed oo difaaca kaasoo aanan u ogaalinin in ay ku noolaadaan nolol caadi ah ama ay galaangal ku yeeshaan machadyada dowliga ah sida bangiyada, waxaa laga dhigey kuwa u jilicsan in ay waxyeelaayaan dambiilayaasha iyo saraakiisha muqusa ah iyagoo waliba ku dhexnool bulshooyin aan laga dhex jecleyn.

Xiligii uu dilka geysanayay 2005-tii, Tunzana wuxuu ahaa baxsad kadib markii uu ka baxsaday xabsi uu ku jirrey isagoo sugayay maxkamad dambi uu geystey dartiis. Isaga iyo kuwii wehelka u ahaa ayaa dhacay, oo dilley Maxamed Naasir Cumar iyo Maxamuud Cabdi Maxamed gudaha dukaankooda oo ku yaala wadada Mzamo, Xaafada Duncan Village (East London), 5-tii bishii Luuliyo, 2005-tii.

Wax yar ka hor markaasi wuxuu toogtey oo uu dhaawacay Maxamed Ismaaciil oo canjirka xabada ka haleeshey iyo Mustafa Muxumed oo ay ka haleeshey Daanka iyagoo joogey dukaankooda oo ku yaala wadada Mtendeni, isla xaafada Duncan Village, iyo sidoo kale Daniel Dala oo ahaa waardiye dukaan uu nin Soomaali lahaa oo ku yaalay wadada Lamont ee tuulada CC Lloyd.

Tunzana waxa uu waraysiga Daily Dispatch ku qirtey in macdaarleeyda Soomaalida ay yihiin bartilmaameed nugul, “waxaan helney warka ah in kuwani shisheeyaha ah aysan lacagtooda bangiga geeynin, taasi badalkeedana ay ku xaseeyaan meel dukaanka dhexdiisa ah, aadbeey u sahlanayd in la dhaco sababtoo ah wax baddan iskama difaacaan, mana jirro qof difaaca”.

Tunzana wuxuu sheegey in weeraradooda ay qorsheeyaan xiliga la gaaro salaada, muslimka waxay tukadaan shan jeer maalin kasta, burcadu waxay ogeyd in marka masaajidka ay aadaan Soomaalida kale in dukaamada looga taggo hal qof oo dukaanka sii iibiya, taasoo dhaca ka dhigta mid sahlan.

“waxaan ogeyn in ay yihiin kuwa kaliya ee lacag baddan heysta ayna sahlantahay in la dhaco tuuladani, dan kama lahayn dhicitaanka qof kale oo aniga oo kale ah waayo waxaan ogaa in ay la harjadayaan nolol maalmeedka, Soomaalida waxay ahaayeen dad iska qalaad oo lacag heysta, qofka dan kama gali jirin oo ma daryeeli jirrin”.

Tunzana wuxuu yiri, isla maalintii ay falka geysanayeen waxay naftooda u sheegeen in ay Soomaalida meesha ka saari doonaan “Ta Ero (Erick Nanto waa magaca wehelkiisa), wuxuu yiri kaalay kaalay aan dilnee bahaladani (Soomaalida) maanta, meeshan aan ka saarne, halkaan waxay u yimaadeen in ay qaataan haweenkeena, isla markaasina u dhaqmaan sidii iyagoo dalkani uu kooda yahay” Tunzani ayaa yiri, wax naxariis ah meeysan muujin.

Buzani Nkunzana, qof goobjoog ka ahaa dhaca iyo toogashada Ismaaciil iyo Maxamed, ayaa soo xasuustey waxa dhacay kadib markii Tunzani iyo 3 –dii la socotey ay macdaarka soo jiireen galabnimadii 5-ta Luulyo, 2005-tii.

Nkunzana, oo koronto yaqaan wuxuu la joogey Ismaaciil iyo Maxamed qolka jiifka isagoo isku dayayay in uu sameeyo qalab koronto ku shaqeeya oo ka haloowsanaa (CVR), wuxuu maqlay diryaan weyn “waan isku naxay” ayuu yiri “ waxaan maqlay dad qeeylinaya, isla markaasina ka dalbanaya lacag Soomaalida, kuwaasoo dhanka kale joogey, kadib waxaan arkay labbo Soomaali ah oo iyagoo dib u guranaya qolka gadaalgadaal usoo galaya, qof ayaa qori kusoo fiiqayay” .

Nkunzana wuxuu arkayay markii la tooganayay Soomaalida Mid ka mid ah burcada ayaa ridey xabad haleeshey Maxamed oo markiiba dhulka ku dhacay.

Wuxuu u maleeyaa in ay u toogteen jirkiisa midabka furan dartiis oo u ekeeysiinayay qof ajnabi ah “ waxaan tagay sagxada uu yaaley mid ka mid ah Soomaalida la toogtey, waxaa meesha qulqulayay y dhiig daad ah oo ka socdey isaga, waxaan u maleeyey in maanta ay tahay maalintii iigu dambeysey aduunka, waxaan ka cabsaday in aan dhimanayo”. Balse waa uu ka baxsaday dareenkooda.

Kadib Tunzana waxa uu daba raacay burcadii guriga ka baxday, wuxuuna arkay dad dariiqa soo dhoobanaya, qaarkood ay qeeylinayaan, iyadoo Tunzana iyo burcada ay wadada marayaan

“xittaa meeysan ordeynin, mana aysan isku dayaynin in ay dhuuntaan, kaliya waa ay iska lugeeyeen si caadi ah” Nkunzana ayaa yiri.

Tunzana waxa uu Dispatch u sheegey in uusan dhab ahaantii xasuusan karin wixii dhacay, balse uu qiranayo in uu dad toogtey, “waxaan xasuustaa in mid ka mid ah dukaamada dadkani qalaad in uu qof isku dayay in uu i toogto, balse qoriga ayaa ka katibey “ ayuu yiri “waa ay carareen, waan ka daba ridey balse meeysan dhiman”.

Tunzana wuxuu sheegey in waloow uu Islaam isu badalay, hadane in dareenkiisa ku aadan dambiga uu geystey uu yahay mid qoomamo leh.

Mararka qaar intii waraysiga lagu jirrey wuxuu oran in uusan nacbeyn dhibanayaashiisa, balse marka dambe ayuu hadane ku sifeeyni kalmado isagoo adeegsanaya eryga takoorka ah ee (amagrigamba) ama dadka qalaad.

Markii koowaad waxa uu eeda dusha ka saaray aalkolo (qamriga) iyo naf sheeydaan in ay ku riixeen weerarka uu Soomaalida u geystey, balse markii dambe ayuu qirtey in uu falkani u geystey han weeynin sababtoo ah wuxuu u malaynin in uu la fakanayo dambigani waayo waa shisheeyey dadka.

“waxa kaliye ee aan u baahneyn waa lacag baddan, waana ay sahlanayd in dukaamadooda laga helo kadibna aan samayno waxa aan doono. Waxaan karay in aan ka dhuumaaleysto Police-ka muddo dheer, sidaasi darteed waxaan aaminey in aysan jirrin sabab la’igu xiro karro waayo waxay ahaayeen dad qalaad oo kaliya”.

Tunzana waxaa kaloo sheegey in diintiisani cusub ay ku kaliftey in uu runta sheego, “sida uu Islaamka qabo, qofka waa in uu qirtaa danuubtiisa oo dhan, runtana sheegaa, waa ay ii fiicneyd in aan qirto dilka aan geystey, illaahna i cafiyo”.

“haddii aan kolhore Islaami lahaa maanan wax dhaceen, mana aanan dileen walaalaheey, hadda waxaan rajaynayaa cafis”.

Laakiin Cabdullaahi Cabdi Sheekh, walaalka mid ka mid ah dhibanayaasha, Maxamuud Cabdi Maxamed, kuma qanacsana in Tunzana uu soo islaamay, mana u malaynayo in uu yeeli karro “waxaan ahay muslim”ayuu yiri “laakiin waxaas oo xanuun ah oo nala mariyey kadib miyaa nalaga fili karaa in aan gacanteena u fidino qofkii xumaanta noo geystey?”, “anigu qofna ma cafin karro, Rabbi weyne aya wax cafiya”.

Qore: THANDUXOLO JIKA, Daily Dispatch

W/D:Wariye Omar Kiyow

George —  Western Cape-Koofur Afrika

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet