Iiran oo gacanta ku dhigtay mid kamid ah diyaaradaha Drones-ka Mareeykanka

Updated About:2 years ago
0

War hada soo dhacay ayaa waxa uu sheegayaa in illaalada kacaanka Cirka ee Iiran ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah diyaaradaha wax basaasa “Drones” ee uu badana isticmaalo Mareeykanka.

Wakaalada wararka dalka Iiran “Fars” ayaa qortay in ilaalada kacaanka dalkaas ay gacanta ku dhigeen diyaaradan yar kadib markii ay kusoo xad gudubtay hawada dalkaas.

Bishii hore ayay ahayd markii markii diyaaradaha dagaalka Iran ay rasaas la beegsadeen mid kamid ah diyaaradaha wax basaasa ee mareeykanka taasoo sida mareeykanka uu sheegtay mareeysay hawada biyaha caalamiga ah lakin Iiran ay sheegtay ineey kusoo xad gudubtay hawadeeda.

Diyaaradaan ayaa waxaa lagu magacaabaa ScanEagle, waxaana soo saarta shirkad lagu magacaabo Boeing Co, waana nuuc kamid ah Drones-ka wax basaasa, waxay leedahay 4 lugood iyo laba garbood oo dhererkoodu lagu qiyaaso (3mtr).

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet