Madaxweyne Xasan Shiikh oo goordhow ka ambabaxayo Muqdisho kuna sii jeeda Turkiga

Updated About:1 year ago
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in goordhow uu kaduulo garoonka caalamiga ah ee Aadan Adde Airport.

Ilo katirsan madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyay in safarka madaxweynaha uu ku wajahanyahay dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa lagu wadaa marka uu gaaro magaalada Ankara inuu kulamo laqaato masuuliyiinta iyo madaxda ugu sareeysa doowlada Turkiga.

Majirto faahfaahino dheeraad ah oo saxaafada laga siiyay waxa uu salka ku hayo safarka madaxweynaha.

Saraakiisha madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha safarkiisa ay ku wehlin doonaan qaar katirsan wasiirada xukuumada iyo xilibaano.

Safarkan uu madaxweynaha ku tagi doono Turkiga ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii xilkaan loo dhaariyay, Turkiga ayaa waxa uu kamid yahay wadamada sida fiican isu garab taagay doowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, waana saaxiibka dhabta ah ee maanta leedahay Soomaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet