Aqoonyahan Shaaciyay in uu Yahay Musharax u Taagan Xilka Gudoomiyaha G/Sh/Hoose

Updated About:2 years ago
0

Maxamed Cabdalle Macalin oo ah mid ka mid ah aqoonyahanada ka soo jeeda gobolka Shabeelada Hoose ayaa shaaciyay in uu yahay musharax u taagan xilka Gudoomiyenimo ee gobolka Shabeelada Hoose.

Waxa uu sidoo kale  sheegay Musharax Maxamed Cabdalle in uu dhamaaday waqtiga Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Nuur Maxamed Siidii islamarkaana uu haatan yahay musharax isku soo taagay xilka Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose,

Maxamed Cabdalle Macalin oo ah mid ka mid ah aqoonyahanada ka soo jeeda gobolka Shabeelada Hoose  ayaa hadalkiisa waxa uu intaasi ku daray in Madaxda dolwada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha uu ka codsaday in loo magacaabo gudoomiayaha Maamulka dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelada Hoose balse macadeyn in laga aqbalay iyo in kale.

Musharaxaan ayaa hogaanka haatan haya talada Maamulka gobolka Shabeelada Hoose waxa uu ku dhaliilay in uu wax ka qaban waayay amaanka iyo xasilinta gobolkaasi.

Waxa uuna tusaale u soo qaatay weeraradii dhabagalka ahaa ee maalmo ka hor lagu qaaday wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Musharax Maxamed Cabdalle Macalin  ayaa ku faanay hadii loo dhiibo hogaanka maamulka gobolka Shabeelada Hoose uu wax badan uu ka qaban doono amaanka iyo qeybaha kale adeega Bulshada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet