Daawo sawirada sida madaxweynaha loogu soo dhoweeyay Turkiga

Updated About:1 year ago
0

Madaxweynaha Jmahuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay agaray wadanka Turkiga, wafdiga madaxweynaha hogaaminayo ayaa markii ay gaareen magaalada Ankara waxaa halkaas sidiiran ugu soo dhoweeyay masuuliyiin katirsan Turkiga iyo qaar katirsan safaarada Soomaaliya ee halkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maalinnimada berri ah waxa uu Ankara kula kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi Madaxweyne Cabdalla Guul ayadoo maalinta ku xigtana uu la kulmi doono Ra’isulwasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayib Erdogan.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka mid ah Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Maalliyadda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet