Deg Deg:Saxafiyiinta oo Logu Yeeray Xarunta Madaxtooyada iyo Kulan Deg Deg ah oo Socda (AKHRISO)

Updated About:1 year ago
0

Waxaa goor dhaw la iskugu yeeray xarunta madaxtooyada Villa Somaliya saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta gudaha iyo mida dibada waxaana halkaasi ka socda kulan albaabada uxiran yihiin.

Wariye ka howlgala mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa isagoo kusugan Villa Somaliya waxa uu Midnimo.Com  usheegay in halkaasi kulan deg deg ah oo amaanka looga hadlayo ku dhexmarayaan saraakiil sar sare oo ciidamada Dawlada iyo kuwa amisom ah.

Waxaa daqiiqado kadib lagu wadaa inuu gaaro meesha kulanka ka socdo Wasiirka 1aad ee Xukuumada Somaliya Dr C/faarax Shirdoon iyo xubno xukuumadiisa katirsan iyadoo sidoo kalena uu kulanka ka qeyb gali doono Gudoomiye Jawaari.

Kulanka ayaa warar hor dhac ah oo warqbad24.com heshay waxay sheegayaan in looga hadlayo amaanka dalka iyo mida magaalada Muqdisho waxyaabaha laga yeelayo amni daro ku timaada sidii xalay oo madaafiic shabaabku ku garaaceen.

Wixii kasoo kordho kulankaasi oo wariyeyaashuna banaanka ka joogaan kala soco Midnimo.Com insha allah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet