Hoobiyayaal khasaaro Geystay oo Xalay Lagu Weeraray Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya

Updated About:2 years ago
0

Waxaa xalay saqdii dhexe Weerar madaafiic ah lagu qaaday aqalka madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkaasi uu dhaliyay khasaaro badan.

Madaafiicda oo laga maqlayay inta badan Degmooyinka Muqdisho ayaa lagu garaacay Degmada Warta Nabada iyo Boondheere, waxaana qorshaha uu ahaa in la duqeeyo Xarunta Madaxtooyada Qaranka oo ay ku sugan yihiin madxda sare iyo Reerarahooda.

Hoobiyayaasha ayaa ka soo kala dhacayay qeybo kala duwan, waxaana madaafiicdi ugu horeysya ay ku Hoobteen Degmada Warta Nabada , halkaasoo ay ku taalo Xarunta madaxtooyada, sidoo kale madaafiic haboow ah ayaa ku dhacday Degmada Boondheere oo sidaan aan uga fogeyn aqalka madaxtooyada.

Ilaa 4 Madfac ayaa ku soo dhacay Degmada Warta Nabada, waxaana warar hoose ay sheegayaan inu jiro madfac ku dhacay xarunta madaxtooyada, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale Degmada Boondheere waxaa ku dhacay madaafiic kale, kuwaasoo dhaawacyo0 u geystay Dad Rayid ah, Dadka dhaawacmayna waxaa ka mid ah 5 ruux oo hal Qoys ka kooban, kuwaasoo dhaawacyo halis ah ku jiraan.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM wax jawaab ah kama bixin madaaficda lagu garaacay aqalka madaxtooyada, waxayna ka gaabsadeen inay ka hadlaan weerarkaasi.

Xarakada Alshabaab ayaa Saaka ku dhawaaqday inay iyaga ka dambeeyeeb weerarkaasi madaafiic ee xalay lagu qaaday Qasriga madaxtooyada Qaranka.

Xaalada Magaalada Saaka way dagan tahay, waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in madaxtooyada ay ka socdaan kulamo ay leeyihiin laamaha amaanka ee ku sugan qasriga, kuwaasoo qiimeynaya halka ay madaafiicda sida arsmiga ah uga yimaadeen.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet