Kenya : “Weeraro Ayaa Nooga Soo Wajahan Alshabaab”

Updated About:2 years ago
0

Saraakiisha amaanka Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay jirto cabsi xoogan inta lagu guda jiro Doorashada Dalka, taasoo qabsoomeysa Bisha Sadexaad ee Sanadka cusub.

Afayeenka Ciidamada Booliiska Dalka Kenya Mattew Iteera ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi, isagoo walaac badan ka muujiyyay amaanka dalka iyo weeraro kaga imaan kara Xoogaga Alshababa ee ka dagaalama Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Afayeenka Booliiska Kenya in hada la joogo Doorashadii dalka, wuxuuna xusay inay jiraan hanjabaadyo badan oo kaga imaanaya Alshabaab, isagoo sheegay inay dhici karaan weeraradaasi.

Sarkaalkan u hadlay Kenya ayaa sheegay inay qabaan Dareen feejigan, kaasoo ay ku xaqiijinayaan amaanka dalka inta uu doorashada ku jiro iyo ka horba.

Mattew Iteera ayaa ku faanay in ciidamadooda amaanka aysan jiifan habeen iyo maalina ay u taagan yihiin xaqiijinta amaanka dalka, isagoo ugu baaqay Kenyanka inay dareen feejigan qabaan.

Kenya ayaa gil gileyneysa , waxaana jira cabnsi xoogan oo ay qabaan muwaadininta dalka iyo laamaha amaanka.

Alshabaab ayaa horey ugu hanjabaya Kenya inay ka geysan doonaan weeraro inta lagu guda jiro Doorashada, waxayna hanjabadaasi baqdin galisay Kenyan badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet