Madaxweynaha Soomaaliya oo saacadaha soo socda kulamo la qaadan doona dhigiisa Turkiga

Updated About:1 year ago
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa Gaaray xalay magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga, waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa maanta u bilaabanaya kulamo gaar gaar ah.

Madaxweyne Xasab Sheekh ayaa la kulmi doona Madxweynaha Turkiga Cabdalla Guul, waxaana kulanka uu yahay  mid xasaasi ah.

Sidoo kale Bari dambo ayuu kulan aan caadi ahayn la qaadan doona Ra’isul wasaaraha Dalka Turkiga oo ay Soomaalidu ku tilmaamtay inuu yahay Gees, kadib marki uu Muqdisho yimid waa Racep Deyep Erdogan.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhiga oo isagana la kulmi doona Dhgiisa Turkiga waxayna ka wad hadli doonaan sidii loo tababari lahaa Ciidamada Xoga Dalka Soomaaliya , loona qalabeyn lahaa Ciidamada.

Wasiirada arimaha Dibada ayaa iyadana ka mid ah Wafdiga madaxweynaha, waxayna kormeeri doontaa shaqada Safaarada ay Soomaaliya ku leedaha Dalkaasi, iyadoo la kulmi doonta dhigeeda Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Turkiga ku sugnaan doona Maalmaha soo socda, isagoo kadib si toos ah u soo gaari doona Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaasoo uu kulamo kula qaadan doono madaxda dalkaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet