Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Turkiga oo kulmay {Sawiro}

Updated About:2 years ago
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan shikh Maxamuud ayaa maanta waxa uu kulan laqaatay dhigiisa dalka Turkiga Abdallah Gul. Kulanka labada madaxweyne ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay qaataan labadan masuul tan iyo markii xilkaan loo dhaariyay madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kahor intuusan gaarin aqalka madaxtooyada wadanka Turkiga waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamadaq alabka sida ee wadankaaas, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhoweeyay dhigiisa Cabdallah Gul.

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay siyaasada iyo ammaanka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay Turkiga taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed.

Kadib marka uu soo gabagaboobo kulanka udhaxeeyo labada madaxweyne ayaa waxaa lagu wadaa in madaxweyne Xasan Shiikh uu u kicitamo magaalada ganacsiga wadankas ee Stanbul halkaasoo uu kula kulmi doono RW dalkaas Recep Tayyib Erdogan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet