Ciidamada Puntland oo Heegan Sare la Galiyay Kadib Xasuuqii Loogu Geystay Galgala

Updated About:2 years ago
0

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland Soomaaliya ayaa Maanta heegan sare la galiyay, kadib marki ay habeen hore si xun loogu galay Buuraha Galgalada ee Gobolka Bari.

Khaliif Ciise Mudan oo ah Wasiirka Amniga Puntland Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidanka Puntoland Heegan sare la galiyay, kaasoo ka dhan ah Xoogaga Alshabaab ee ku sugan Buuraha Galgala.

Wasiirka ayaa balan qaaday inay baacsan doonaan Dagaalyahanada Alshabaab ee ku sugan Buuraleyda Galgala, kuwaasoo dhibaato weyn ku haya Maamulka Puntland Somalia.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in ay Alshabaabki ka soo cararay Soomaaliya ay soo galeen gudaha dhulka ay ka taliyaan Puntland, iyadoo sheegatay in alshabaab ay dagayaan Buuraleyda Golis iyo kuwa Galgala ee Habeen hore lagu weeraray Ciidamadaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet