Dawlada itoobiya oo Sanado Badan kadib Dalbatay inay la Hadasho Dawlada Ereteria (Warbixin Akhriso)

Updated About:2 years ago
0

Ra’iisalwasaaraha Xukuumada Eithopia Hailemariam Desalegn oo wareysi gaar ah siinayey Tv-ga Al jazeera qeybteeda English-ka wax ku baahisa ayaa waxa uu ka hadlay qadiyada ay Itoobiya ka taagan tahay Dawlada Ereteria.

Hailemariam Desalegn waxa uu sheegay markii ugu horeysay inay doonayaan wadahadal nabadeed inuu dhexmaro iyaga iyo dawlada Ereteria si looga hortago dagaal mar dambe dhexmara labada dal shacabkeeda.

Wasiirka 1aad ee Xukuumada Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa cod dheer ku sheegay inaysan dooneyn Xukuumadiisa inay mar kale dagaal dhiig ku daato dhex maro labada waddan.

“Ma dooneyno dagaal mar kale ina dhex mara inaga iyo Ereteria,waxaan leenahay Walaalaheena Ereteria diyaar usoo noqda inan wada hadalno si gaar ah Afawerki madaxweynaha dalkaasi ayuu Al Jazeera usheegay Hailemariam Desalegn oo ah ra’iisalwasaaraha Itoobiya”.

Dagaalka udhaxeeya labada dawladood waa itoobiya iyo Ereteria ayaa ka dambeeyey markii Ereteria ay ka go’day Dalka Itoobiya Sanadkii 1993-dii loona aqoonsaday waddan xor ah.

Waxaase go’itaanka Ereteria si weyn uga carooday Xukuumada Itoobiya taasi oo magaalada Badme oo kutaalla Xuduuda labada dal ay mid waliba sheegatay inay iyadu leedaha dagaalo xoogana uu ka dhacay halkaasi.

Magaalada Badme ayaa Qaramada Midoobey waxay u’aqoonsan tahay inay Ereteria leedahay dhul ahaan waxaase xoog ku heysta shacabka halkaasi deggan dawlada itoobiya.

Dagaalkii ugu xooganaa ee dhexmara labada dawladood ayaa waxa dhacay sanadkii 2000 waqtigaasi oo dad ka badan kumanaan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku barakaceen qaarkoodna ay ku naafoobeen.

Hadalkan kasoo baxay Xukuumada Itoobiya ee ku aadan inay doonayaan wada hadal ay la galaan dawlada Ereteria waa mid macno cusub abureysa maadaama dagaal il iyo aragti ah oo sanado badan udhaxeeyey labada shacab waddamadooda Ereteria iyo Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet