Sarkaal ka Tirsan Hey’ada FAO oo ay Gurigiisa kala Baxeen Ciidamada Dowlada

Updated About:2 years ago
0

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya ay Gurigiisa kala baxeen Sarkaal ka tirsan Hey’da QM u qaabilsan Beeraha ee FAO.

Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha Qeybta Booliiska Baydhabo ayaa guriga kala baxay sarkaalkan u shaqeynayay Hey’ada FAO, iyadoo aan la ogeyn sababta ay ku xireen.

Qof ka mid ah Dariska Sarkaalka ay ciidamada kaxeyteen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Dowlada ay kala baxeen sarkaalkan Gurigiisa, wuxuuna sarkaalka magaciisa ku sheegay in la yiraahdo  Idiris Cabdi Dogtor.

Ilaa hada wax war ah kama soo bixin saraakiisha Dowlada ee Baydhabo, waxaana ay tahay xili habeen ah oo ay ciidamada iyo saraakiisha hoose ay ku sugan yihiin xarumaha Dowlada iyo saldhigyada.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet