Al-shabaab oo Xalay Weerar ku Qaaday Magaalada Kismaayo iyo Xaalada Saaka Siday Tahay Kismaayo

Updated About:2 years ago
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxay sheegayaan in halkaasi xalay dagaal xoogan uu ku dhexmaray al shabaab iyo ciidamada Huwanta ee kismaayo kusgan.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii shabaabku ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dawlada iyo kuwa Raaskambooni kulahaayeen gudaha Kismaayo.

Xaafada Farjano oo xooga dagaalka uu ka dhacay ayaa dadka ku dhaqan waxay ku waramayaan in la isku adeegsaday dagaalkaasi hubka kala duwan iyadoo al shabaab ay si xoog leh ugaraacayeen baasuukayaal iyo hub culus.

Ilaa hadda ma cada khasaaraha inta uu la eg yahay ee kala gaaray dhinacyadii dagaalamay waxaana jirin khasaaro la ogyahay oo shacabka dagaalkaasi kasoo gaaray.

Ciidamada Raaskambooni ayaa la arkayaa iyagoo saaka howlgalo halkaasi kawadaan waxaana dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ay sheegeen in dhalinyarada la beegsanayo howlgalkana uu saameyey ganacsigii xaafadaha qaarkood.

Wariye kusugan magaalada Kismaayo ayaa goor dhaw usheegay Midnimo.Com in ciidamada Dawlada iyo kuwa Raaskambooni ay gacanta kusoo dhigeen in kabadan 20 dhalinyaro oo lala xiriirinayo shabaabkii xalay weeraray kismaayo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar Ururka Al shabaab ku qaadaan fariisimo ciidamada Dawlada iyo Raaskambooni ku leeyihiin magaalada kismaayo tan iyo markii ay la wareegeen labo bilood ka hor.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet