War Deg Deg : Qarax Xoogan oo Goor dhow ka Dhacay Xaafada Islii

Updated About:1 year ago
0

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, waxaana qaraxan uu ka dhacay Meel u dhow Masjidka Alhidaaya ee Xaafada Jaamka.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ka soo horjeeda qaraxa Masjidka weyn ee Alhidaaya, waxaana uu dhacay xiligi ay dadka ka soo baxeen Salaada Cishaha.

Dadka ku nool xaafada Islii ayaa kala cararay, waxaana hada soo gaaray ciidamo Booliis ah oo ka socda Saldhiga Pangani.

Ilaa hada ma cada khasaaraha qaraxa ka dhacay Xaafada Jaamka gaar ahaan Masjidka Alhidaaya.

Habeen ka hor ayuu ahaa marki uu qarax xoogan ka dhacay xaafada Islii gaar ahaan meel an ka fogeyn Garoonka Ciidamada Cirka Kenya.

Xaalada xaafada ayaa kacsan, waxaana gabi ahaanba istaagay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet