Qarax xoogan oo gil gilay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Updated About:2 years ago
0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhacay agagaarka buundada, iyadoo qaraxa uu ku dhintay Hal Wiil oo Ardey ahaa.

Ciidamada Dowlada oo ku soo baxay qaraxa ayaa goobta waxa ay ugu yimaadeen Meydka wiilka Ardeyga ah.

Lama oga cida sida rasmiga ah uga dambeysa qaraxan uu ku geeriyooday wiilka ardayga ah, waxaana ay ciidamada Dowlada wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan cidii ka dambeysay.

Tan iyo marki ay Jowhar la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo AMISOM waxaa ka dhacay qaraxyo dhowr ah oo xoogan, kuwaasoo ka mid noqonaya qaraxyada ka socda Muqdisho, Marko Kismaayo iyo deegaano kale oo ay gacanta ku heyso Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet