Gen. Caanood oo kamid ah saraakiisha hogaamineeysa Ciidamada doowlada ee hogaamineeysa Dagaalka Shabeelada Dhexe looga saarayo Al-shabaab, ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay lawareegi doonaan goobo hor leh oo ay wali ku suganyihiin Al-shabaab.
Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in amaanka magaalada Jowhar uu wanaagsanyahay, isla markaana ay u gudbi doonaan deegaanada kale.
Waxaa kaluu sheegay in Cidiamada ay isku diyaarinayaan wajiga labaad,oo ah ineey qabsadaan goobaha kale ee ay Al-shabaab wali kaga suganyihiin Shabeellada Dhexe.
Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa laga saaray magaalada Jowhar waxaana haatan maamulaya magaaladaasi dowlada Soomaaliya ka dib mudo badan oo ay Al-Shabaab ay halkaasi maamuli jireen.
Ciidamada is-garabsanaya ayaa laba maalin kahor waxeey lawareegeen magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay, oo ay Al-shabaab gacanta ku hayeen mudo sadex sano kabadan.