Xumud;”Dhaliyarada Al-shabaab Waxa ay Haaystaan Fursad ah in ay Aayahooda ka Fiirsadaan”

Updated About:2 years ago
0

Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab inay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Col.Cali Adan Xumud oo ah afhayeenka ciidamada Midoga Africa ee AMISOM oo la hadalya warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyarada shabaab ki jirta ay haastaan fursad oo ah in ay ku soo biiraan dowlada Soomaaliya oo haatan gacmo furan ku soo dhaweyneysa si markaasi dalka u digo.

Afhayeenka AMISOM ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan Nabada islamarkaana ay ku soo biiraan si dalka uu u noqda mid gaara barwaaqo iyo baraare.

Dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab ayaa ku adkeysta mowqifkooda dagaalka ah inkastoo ay jiraan dhalinyaro kasoo goosta Shabaab oo kusoo biira dhanka Dowladda Soomaaliya.

Hadalka Afhayeenka AMISOM ayaa ku soo aadaya iyadoo howlgalada ay wadaan ciidamada Huwan ay sii kordhayaan islamarkaana dhulal dhowr ah ay ku sii fidayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet