Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Gaari Maanta God Kuyaalla Muqdisho ku Dhacay

Updated About:2 years ago
0

Waxaa saaka abaare 8:30 subaxnimo gaari nuuca gaaribta loo yaqaano waxa uu ku dhacay god kuyaallay agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu soo waramayaa in labo qofood ay ku geeriyootay shilkaasi gaari waxaana ku dhaawacmay 3 kale oo dhamaan ahaa rag iyagu saarnaa gaarigaasi.

Waxaa iminka lagu dabiibayaa dadka ku dhaawacmay shilkaasi cusbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho waxaana faah faahino kasoo baxayaan qaabka shilka uu udhacay.

Wariye meesha kusugnaa ayaa waxa uu sheegay in gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaano Gaaribta kana yimid dhinaca buundada Waaberi ee dalcada Dabka soo aada waxaana baabuurka oo xowli usocday uu ku dhacay god halkaasi kuyaallay.

Dad badan ayaa ugurmaday dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi waxaana dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmayba meesha ka qaaday dadweyne alle dartii kuwii dhaawacmay iyo meydadkaba waxaa la geeyey cusbitaalka Madina muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet