Mareeykanka oo taageero buuxda siinaya Mucaaradka Syria {Video}

Updated About:2 years ago
0

Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay taageertay Golaha ay ku midoobeen ururrada siyaasada ee Mucaaridka dalka Siiriya, inuu yahay golaha rasmiga ah ee matala shacabka iyo wadanka Siiriya.

Maraykanka ayaa noqonaya wadankii ugu danbeeyey ee reer Galbeedka ee taageerada siiya Golaha lagu dhisay magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo ay dhawaan ku shireen ururada mucaaridka ah ee wadanka Siiriya.

Taageerada Maraykanka ayaa waxaa shaaciyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo arrintan ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishonka ABC ee wadanka Maraykanka.

Dhanka kale Maraykanka ayaa listiga argagaxisada geliyey mid kamid ah ururada hubeysan ee ka dagaalamaya gudaha wadanka siiriya, kadib markii la ogaaday xiriir ka dhaxeeyo ururkaasi iyo Al-qaacidda.

Maraykanka ayaa lasoodaahay taageeradiisa, iyadoo ay horey Golaha Mucaaridka ay aqoonsi u siiyeen wadamo badan oo Carab iyo Reer galbeed iskugu jira.

Halkan ka daawo madaxweyne Obama oo wareysi siinaya talefashinka ABC.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet