Meydka qof rayid ah oo saakay lagu arkay Jowhar

Updated About:1 year ago
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafada Horseed waxa saaka lagu arkay meydka qof rayid oo rasaas ka muuqatay jirkiisa dadkuna ay cabsi ka muujiyeen.

Waxaa shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ay yihiin kuwo si weyn ubaqdin gelisay meydka saaka la arkay waxaana badi shacabku sheegeen in xaafada Horseed dadkeeda ka muujiyeen argagax meydka markii la arkay.

Xaafada Horseed waxay ka mid tahay afarta xaafadood ee kutaalla Degmada Jowhar waxayna ka mid tahay meelihii ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom seddex cisho ka hor la wareegeen.

Meydka la arkay maanta waxay sheegayaan dadka inay kooxo ku hubeysnaa bistoolado ay ka dambeeyeen islamarkaana ay tibaaxeen in dilka kadib markii ay fuliyeen kooxahaasi iskaga baxsadeen.

Xaafada Horseed waxaa la hadal hayaa meydka saaka la arkay waxaana lagu soo waramay in magaalada oo idil sidoo kale ay shacabku cabsi ka muujiyeen wiilka dhalinyarada ahaa ee la dilay xalay saakana meydkiisa la arkay.

Ururka Al shabaab loo maleynayaa inay ka dambeeyaan dilka qofkaasi rayidka ahaa waxaana ciidamadu goobta ay gaareen saaka iyadoo meydkana meesha laga soo qaado muddo kadib.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet