Wafdi kasocda Jabuuti oo maanta Muqdisho soo gaaray {Faah-faahin}

Updated About:1 year ago
0

Wafdi ballaran oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamanka Jabuti, Idiris Arnaa’uud Cali, ayaa maanta Barqonimadii waxay soo gaareen garoonka diyaaradaha ee Aadan Adde.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxmed Cismaan jawaari iyo qaar katirsan mudanayaasha Baarlamanka.

Wafdigaan ka socday dowladda Jabuuti ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho  ayaa ka qeyb galay kulankii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho waxaana kulanka baarlamanka soo xaadiray 182 mudane, iyadoona ajandaha kulanka uu ahaa sidii loo soo dhaweyn lahaa mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Jabuuti.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay uga mahad celiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti garab istaaga ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka  jabuuti Idiris Arnaa’uud Cali ayaa isaguna u jeediyay mudanayasha hadallo u badan guubaabo iyo mahadcelin waxa uunu ku baraarujiyay xubnaha golaha shcabka in ay ka shaqeeyaan wax walba oo lagu hormarinayo dalka Soomaaliya.

Idiris Arnaa’uud Cali ayaa wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in mudanayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan in ay yihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaad tihiin wakiiladii mataleyey shacabka somaliyeed,shaqadiina ha ahaato kuwo si daacad ah uguto waan idin ku hambalyeynayaa hogaanka aad usoo doorateen Soomaaliya ee dalka ku cusub” ayuu yiri gudoomiye Idiris.

Sidoo kale wuxuu sheegay in golaha baarlamaanka Soomaaliya ay yihiin golihii sharci dajinta ayna wanaagsantahay in ayu ilaaliyaan sharciyada wadanka iyo waajibka saran xiligaan.

Khudbadi afhayeen barlamanka kadib waxaa ay xildhibanadii kasocday dowladda Jabuuti hadiyado  ay ugu talageen gudoonsiiyeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Maanta ayay ahayd markii ay magaalada Muqdisho soo gaareen wafdi balaaran oo ka socda dowlada jabuuti kuwaasi oo uu horakacayay gudoomiyaha baarlamaanka wadanka Jabuuti.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet