Wariyayaal jowhar gaaray

Updated About:2 years ago
0

Sida uu kusoo waramayo mid kamid ah wariyeyaasha Shabakada wararka Midnimo.Com Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa goordhaweyd halkaasi gaaray koox wariyeyaal ah.

Wuxuuu soo sheegayaa wariyaha in intii ay sii socdeen wadada ay arkeen ciidamo badan oo ka tirsan Dowladd Soomaaliya kuwaasi oo adkeynaya ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo sidoo kale Degmada Jowhar.

Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhistay goobo fariisin u ah ciidnaka si halkaasi aysan weerar ugu soo qaadin Ciidamada SHabaab.

Wariyaha ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku darayaa in Magaalada Jowhar markii ay tageen ciidamada Dowladda Soomaaliya halkaasi ay ka wadeen howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Degmadaasi.

Shir Jaraa’id ayuu sheegay inay goordhaw qaban rabaan Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Generaal Dhagabadan iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe ee Dowladda Soomaaliya.

Gudd ahaan ammaanka Magaalada ayuu soo sheegayaa in aad loo adkeeyay islamarkana ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay wadaan howgla ballaaran oo ammaanka Degmadaasi ay ku xaqiijinayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet