Dagaal dhexmaray Ciidamada Badda Puntland iyo Burcad-badeed

Updated About:2 years ago
0

Wararkii ugu danbeeyay ee ka’imaanaya deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in dagaal qasaaro gaystay uu halkaas saacadihii ugu danbeeyay ku dhexmaray Ciidamada badda Puntland iyo kooxo burcad-badeed ah.

Dagaalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa maalmihii lasoo dhaafay socday, ayadoo labada dhinacba ay soo gaareen khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Markab ay soo afduubeen kooxdan burcad-badeeda ayaa lasheegay inuu kusoo caariyay meel waqooyiga uga beegan magaalada Garacad wuxuuna dhexda uga jiraa Qarar dhexdooda waxaana lagu tegi karaa oo kaliya doonyo maadaama meesha uu ku jiro aan ahayn xeeb banaan.

Ciidamada badda Puntland, ayaa lasheegay ineey rasaas aad uxoogan ku rideen markabka, saacado kadibna ay isku dayeen ineey fuulaan markabka waxayna qaateen laba ;Laash si ay markabka u fuulaan, laakiin koox burcad-badeeda katirsan ayaa waxay sugayeen ilaa ay ciidamada uga soo dhowaadaan dabadeedna waxay la beegsadeen rasaas iyo Baasuukayaasha garbaha laga rido, waxana halkaas ku basbeelay labadii laash ay Ciidamada wateen.

Markabkan oo lagu magacaabo  MV ICEBERG 1 waxaa la afduubay bishii 29kii Maarso ee sanadkii 2010. Waxaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna sitay calanka dalka Panama. Waxaa markabkan saarna shaqaale badan oo isugu jira, 9 Yemeniyiin, 6 Hindi, 4 reer Ghana, 2 Sudaani ah, 2 Pakistani ah iyo hal qof oo u dhashay dalka Filibiin.

Kabtankii Markabkan waday oo la sheegay inuu u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo Cabdirisaq Cali Salex ayey dileen burcad badeeda markabka heysata.

Markabkan ayaa wuxuu yaalay deegaankaasi muddo ku dhaw 3 sano, waana markii ugu horeysay oo ay ciidamada Puntland isku dayaan inay markabkan la wareegaan.

Shirkadda leh markabkaan ayaa kadhaga adeegtay ineey bixiso lacagta madaxfurashada ay dalbadeen kooxda haysata markabka, lacagtaas ayaa waxay gaareeysaa 10 milyan oo doolar.

Qalabka Markabkan saaran ayaa waxaa ku jira Jenerataro, Transformers iyo Haamo shidaal lagu sheegay oo ay leedahay shirkada Aggreko Internatinal Power Projects oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. Markabkan ayaa markii gacanka Cadmeed laga afduubay kusii jeeday dalka Ingiriiska.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet