Kibaki oo kahadlay Raafka Soomaalida ku nool Kenya

Updated About:1 year ago
0

Iyadoo Maalmihii Ugu danbeeyey Ciidamada Booliska Dalka Kenya ay raaf ba’an ku hayeen Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Xaafada Islii ee Magaalada Nairbo ayaa arinkaasi waxa ka hadlay Madaxweynaha Dalka Kenya Kibaaki.

Madaxweyne kibaaki ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee nabad sugida ay ku amaanan yihiin ka hortaga kuwa gaysanaya falalka amaan xumada ah.

“waxa hada socda waa howlgalkii lagu nadiifin lahaa kuwa gaysanaya falalka amaan xumada ah, waana naga go’an tahay taas”ayuu sheegay Madaxwyenaha Kenya.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya ayaa ku dooday in sababtii ay Kenya ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya ay ahayd suguda amaanka dalkeeda.

“Sababtii aan ciidamada ugu dirnay Soomaaliya waxaa ay ahayd in la ilaaliyo sumacada iyo amaanka Kenya kadib markii canaasiir argagaxiso ah ay isku dayeen in ay dhibaatayaan amaank Kenya”ayuu sheegay Kibaki.

Dadka Kenyanka ah ayaa si weyn usugayay Khudbadii ugu danbaysay ee Madaxweynaha Kenya uu ka jeedin lahaa dalka maadaama uu xilkiisa dhamaanayo sanadkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet